Wasiir Xasan Abgaal oo ka hadlay sababta xilka looga qaadey
29 Sept 2022 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa ka hadlay sababta xilka looga qaadey wuxuu sheegay isaga iyo Madaxweyne Deni inay isku fahmi waayeen 12 degmo oo dowladda ku adkeysatay in laga qabanayo doorasho qof iyo cod.
Sidoo kale Wasiir hore Abgaal wuxuu xusay inay isku maandhaafeen Madaxweynaha tartankii Madax-tinimada dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay salluug ka qabeen Dadka Reer Puntland.
Madaxweyne kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamanka wuxuu ugu baaqay inay Puntlan aka badbaadiyaan oo ay ka duwaan wado khaldan oo uu ku wado Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni.