Sawirro-Muuqaal: Wasiiru dowlaha Cusub ee Maaliyadda Puntland oo xilka la wareegay

05 Okt  2022 (Puntlandes) Wasiiru dowlaha Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowadda Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Aduunyo) ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabduqaadir Cusmaan.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiir Ku-xigeenk Dakhlig wasaaradda Maaliaydda,Gudiga Xilwareejinta, Xisabiiyaha Guud ee Wasaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaradda, Agaasime guud Ku-xigeenka Dhakhliga iyo Masuuliin kale.

Gudoomiyaha Gudiga xilwareejinta ayaa sheegay in ay sune tahay isbadalka dawladnimada ee xilka, loona baahan yahay in bulsahda loo shaqeeyo

Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa xafiiska ku soo dhaweeyey Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Aduunyo) wuxuuna Alle uga baryey in uu shaqada u fududeeyo.

Wasiiru dowlaha Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo xilka la wareegay ayaa isaguna Wasiiru dowlihii hore ee Wasaradda uga mahad-celiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtey waxaana uu balan qaaday in shaqada halkeeda uu ka sii wadi doono.

Ugu dambayn waxa munaabada soo xiray Wasiir ku xigeenka Dakhliga Waasaradda Maaliyadda Cali Cumar waxana uu saagootiyey Wasiiiru dowlihii hore waxana uu xafiiska ku soo dhoweeyey Wasiiru dowlaha Cusub ee Wasaaradd Maaliyada Shiikh Aduunyo.

About The Author