Sawirro; Wasiirka Wasiir Juxa oo TPEC ku wareejiyay soodimaha degmooyinka Puntland iyo liiska degmo maamuladda
06 Okt 2022 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda puntland Cabdi Farax Juxa ayaa Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC ku wareejiyay soodimaha degmooyinka Puntland iyo liiska degmo maamuladda.
Gudoomiyaha TPEC Cabdirisaq Axmed Siciid ayaa Wasiirka iyo Wasaaraddaba uga mahadceliyay soo gudbinta degmooyinka iyo soohdimaha.
Guddiga ayaa qiiimayn iyo xog ururin ka samayn Doona degmooyinka iyagoo go’aamin doona goobaha codbixinta iyo diiwaangelinta sida uu qabo xeerka Doorashoyinka.
Golaha wasiiradda dawladda Puntland ayaa maanta ansixiyey inay 37 degmo oo kala ah heerarka A, B iyo C ka dhacdo doorasho qof iyo cod, waxay kaloo sheegtay inay ansixiyeen soohdimaha degmooyinkaas.