Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo ku dhimtay qarax

08 Okt  2022 (Puntlandes) Shan askari oo ka tirsan ciidamada PMPF ee dawladda Puntland ayaa ku dhintay Askar kalena waxaa soogaaray dhaawac, kaddib markii gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen miino kula kacday deegaanka Sugure ee buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Askartii ku dhaawacantay weerarkaas Qaraxa loo adeegsaday oo la soo gaarsiiyay magaalada Bosaso ayaa la dhigay goobaha caafimaadka, halkaasoo lagu daaweynayo.

Ma jirto cid weli sheegatay qaraxan, hase yeeshee buuraleyda Galgala waxaa tan 2010kii dagaal ku dhex marayey ciidamada Puntland iyo Al-shabaab.

About The Author