Faroole iyo Gaas oo ka digay qorshaha madaxweyne Deni
08 Okt 2022 (Puntlandes) Madaxweynayaashii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ka qaybgalayey dood BBC u qabatay qorshaha uu wato madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ee doorashooyinka.
Labada madaxweyne ayaa si xoogan uga horymid qorshaha madaxweynaha Deni ee ku aadan inuu doorasho qof iyo cod ah ka qabto Puntland.
Madaxweyne Faroole oo iminkana ah Senator ka tirsan Awqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ayaa shaaca ka qaaday in Deni uu wado boob iyo masuq-maasuq, isla-markaana ay ka fogtahay dimuquraadiyadda la sheegayo.
Faroole ayaa yiri “Doorasho iyo Dimuqaraadiyad ma’ahan waa boob iyo musuq maasuq dowladdu u soo harag badalatay oo ay rabto in ay wax ku boobto,”
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddada u hartay madaxweynaha in aan lagu qaban karin doorasho qof iyo cod ah, balse ujeedkiisa uu yahay inuu sameysto muddo kororsi horleh.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland ay u baahan doorasho qof iyo cod ah, balse qaabka haatan wax loo wado aysan ka tarjumeyn doorasho xor iyo xalaal ah.
Gaas ayaa yiri “Anigu waxaan qabaa waa loo baahan yahay dimuqraadiyada one person one qof, laakiin midda hadda qaabka loo dhigayo, waxay u muuqataa inay tahay kalmad xaq ah oo laakiin baadil loola jeedo,”
Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in madaxweyne Deni laga sugayo inuu doorashada qabto waqtigeeda oo ah 8da January 2024.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamud Caydiid oo dooda ka qaybgalay ayaa daaha ka rogay in marka ay dawladdu qabato doorashada Golayaasha deegaan 37 degmo oo ay soo baxaan 3 Xisbi ay goaan ka gaari doonaan qabta doorashada Baarlamaanka iyo madaxweynaha loo qabanayo iyo goorta.
Wasiir Caydiid ayaa yiri “Doorshada soo socota 2024 waxaa talo iyo go’aan ku yeelan doona xisbiyada soo baxa”
Madaxwayne Faroole ayaa kaga jawaabay hadalka ka soo yeeray wasiirka sidaan “Wasiirku haduu ka hadlay meesha loo socdo waana taas meesha aan ka digaynay cidna kama yeelayso 3 Xisbi oo jeebka Deni ku jira”
Daadaan ayaa ku soo aaday iyada ay xukuumadda Deni shaacisay inay ansixisay 37 degmo oo ay doorasho ka dhacayso iyo xuduudahooda, laakiin waxaa xusid mudan inaysan xukuumadu shaacin degmooyinkaas iyo xuduudooda toona.
Puntland ayaa waxaa iminka ka jira guux siyaasadeed ku saabsan inuu Deni qorshaynayo inuu muddo kororsi sameeyo taas oo ay adag tahay inay u suurto gasho.