Xil Sanbaloolshe oo dhaliilay sida looga gaabiyey ladagaalanka Alshabaab

09 Okt  2022 (Puntlandes) Shacabka gobolka Hiiraan ayaa culeyskii ugu badnaa kala kulmaya Alshabaab maadaama ay kala hor tageen kacdoon adag iyo dagaal, iyadoo ay Alshabaab ay xoogeeda isugu geysay gobolka.

Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe oo ku sugan gobolka Hiiraan ayaa oo waraysi siiyey VOA, ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay culeys badan soo saartay gobolka Hiiraan, maadaama aan dagaal ka heysan gobollada kale.

Xil Sanbaloolshe ayaa yiri “Inta badan Alshabaab waxay nooga imaanayaan dhanka gobolka Shabeellada Dhexe, hadaan gobolkaas kooxda looga kicina howlgalku siima soca karo,”

Sidoo kale Xildhibaanka oo ka hadlay dhanka gobolka Galgaduud oo Alshabaab dhul badan ay ka joogaan ayaa yiri, “Galgaduud xoog ayey u joogaan Al-Shabaab, oo waa naga soo weeraraan ama waa u baxsadaan, marka hadaan la helin howlgalo kale oo ka bilowday gobollada deriska ah culeys badan ayaa nooga imaana kooxda.”

 “Waxaa noo qorsheysan in howlgalka lagu baahiyo galbeedka Hiiraan. Galgaduud dhaqdhaqaaqyo aan badneyn ayaa jira oo heerkii la rabay ma gaarin, waxaan dalbaneynaa in gobollada dalka laga bilaabo howlgalka, si Shabaabku u awoodu waayo in hal meel uu culeyska isugu geeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Sanbaloolshe.

About The Author