Sawirro: RW Xamse oo kormeeray xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho
10 Okt 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho si uu ugu kuurgalo howlaha ka socda iyo adeegyada muhiimka ah ee maamulku u hayo bulshada ku nool caasimadda Muqdisho.
Qaybaha kale duwan ee xarunta dowladda hoose ayuu Ra’iisul Wasaare Xamse kormeer guud ku sameeyay, wuxuuna warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha, isaga oo ku boorriyay in ay dardar-geliyaan adeegyada mudnaanta u leh bulshada ku dhaqan caasimadda iyo hirgelinta hannaan ku dhisan maamul wanaag, kuwaasi oo kalsooni galinaya shacabka mas’uuliyada loo hayo.
Xamse oo kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) iyo xubnaha kale ee maamulka ayaa tillaamay doorka kaga aaddan iyo ahmiyadda ay leedahay in la horumariyo addeegyada aasaasiga ah iyo bilicda magaalada, isla markaana mudnaanta koowaad la siiyo sugidda amniga caasimadda.