Dekedda Garacad.. Marin Ganacsi oo isku xiraya Gobolka WQ Xil Abdullah Yusuf

10 Okt  2022 (Puntlandes) Ka hor, kalfadhi walba oo golaha wakiilladu uu furamayo, waxaa caado ah in guddiyada Goluhu ay kormeer ku tagaan gobollada Puntland, si ay u soo ururiyaan xaaladaha ka jira gobolladaas.

Markaan, guddigayaga oo ka kooban 3 guddi hoosaad, waxa aannu nasiib u yeelannay in aanu u ambabaxno gobolka Mudug, annaga oo bartilmaameed-keennu ahaa halkaas iyo magaalada Garacad, waxa aan safarka ka bilownay Magaalada Garowe, annaga oo dhufannay waddo shaag oo ka baxda koonfurta magaalada Garowe. Intii aanan Garacad gaarin, waxa aan sii marnay: Awr-Culus, Qalaanqal, Mayle, Shakaal, Jarriiban -oo ah degmada ay ka tirsan tahay Garacad- iyo ugu dambeyntii tuulada Mareer.

Garacad, waa magaalo soo koraysa, cimilladeedu ay degen tahay sida magaalooyinka kale ee saaran badweynta Hindiya, marka laga soo tago abaarta iyo roob la’aanta ay la wadaagto inta badan deegaannada Puntland, waxaa labada tuulo ee kala ah; Kulub oo 10km ka xigta waqooyi iyo Dhinawda oo 28km ka xigta koonfur fara kulul ku haya bacaad guur ama carro guur, taas oo sabab looga dhigi karo abaarta iyo dhir la’aanta deegaanka.

Haddii aan u soo laabto dulucda qormadayda, mashruuca dekedda Garacad, oo aan ku tilmaami karo mashruucii ugu weynaa burburkii dowladdii Soomaaliya dabadeed, waxaa markii ugu horreysay la hindisay sannadkii 2016kii, markaas oo daraasaddii ugu horeysay lagu sameeyey, waxaa fulinta iyo hirgelinteeda duudka u ritay shirkadda Wadaagsan oo ay ganacsato reer Puntland ah ku midoobeen. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa: “Rag tashaday Cir waa toli karaa taako labadeede”. Maantay oo markii daraasaddaas la sameynayay ay ka soo wareegtay 5 sano waxaa la xaqiijiyay riyadaas, waxaa diyaar ah laba janbi oo ay dekeddu leedahay, sidaas oo ay ku harsan yihiin kuwo kale, waxaa jirta hanti bad iyo mid berri oo ay leedahay dekedda Garacad iyo shirkadda maamusha ee Wadaagsan, waxaa magaceedu dheeraaday magaalada Garacad oo dekeddaas marti-gelisay.

Dhanka kale, mashruucaan waxa uu si togan saameyn ugu yeelanayaa nolosha dhaqan dhaqaale iyo horumarka, guud ahaan dadka reer Puntland iyo gaar ahaan dadka deegaannada u dhow, waxa uu abuurayaa fursado shaqo, mid dhaqaale. Sidaa oo kale, waxaa mashruuca ku mataanaysan 2 waddo oo waaweyn; waddo tagaysa Garowe caasimadda Puntland, halka midda kalena ay ku dhammaanayso Tuur-dibi oo ah xadka dowlad deegaanka Ethiopia.

Gabagabadii, waxaa la xarig jarayaa dekedda Garacad 22-10-2022, waxaa ila habboon in munaasabaddaas laga soo qayb galo, si ganacsatada hirgeliyay mashruucaas dhiirri gelin ay ugu noqoto, inta kalena “kiis barasho” ama khibrad qaadasho ugu noqoto.

WQ Xildhibaan Abdullah Yusuf

About The Author