Sawirro: Wasiirada Maaliyadda iyo Dekaddaha Puntland oo kulan kula yeeshay gudaha Dekadda Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World
12 Okt 2022 (Puntlandes) Wasiirada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Dekaddaha Dowladda Puntland ayaa maantay kulan kula yeeshay gudaha Dekadda Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa qorshaha ballaarinta Dekadda oo dhawaan bilaaban doonta.
Kulankan waxaa ka soo qayb galay Wasiir Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda, Agaasimaha Wasaaradda Dekaddaha, Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxda ka socotay Shirkadda DP world.
Kulankan ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha shaqo iyo adeegyada bulshada loo hayo ee Dekadda Bosaaso, lagana dhigo mid casriya si bulshadu u hesho adeeg deg deg ah, lagana shaqeeyo in kor loo qaado dakhliga.
Kulankan intii uu socday ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay dhismaha iyo balaarinta dekadda oo dhawaan bilaabanaya iyo siidii la isaga kaashan lahaa in aan wax caqabad ah ku iman habsami u socodka shaqada Dekadda.
Ugu dambayn kulankan ayaa laysku raacay in sadexdii biloodba mar ay qabsoomaan kulamo noocan oo kale ah loona saaro farsama yaqaaniin soo turxaan bixiya howlaha shaqo ee loo baahan yahay.