Sawirro: Wasiirada Maaliyadda oo kormeeray Goobaha Dakhliga soo saara ee Bosaso
12 Okt 2022 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo wafti uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo u jooga Boosaaso ayaa kormeer Shaqo ku tagey Goobaha Dakhliga soo saara ee Wasaaradda Maaliyadda ayna ka mid yiin Kastamkamada Garoonka iyo Furdada.
Wasiirka waxaa ku weheliyey kormeerkan Wasiirku xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi,Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga Abshir Maxamed Abshir, Maamulaha Furdada Maxamed Yuusuf iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada Cashuuraha gobolka Bari Conley Maxamed Baari Shire.
Wasiirka ayaa booqday Xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee Kastamka Furdada, waxana uu la kulmay madaxda iyo Shaqaalaha su’alana ka waydiiyey habsami u socodka shaqada.
Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Dekaddaha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada Wasaaradood ayaa booqaday gudaha Dekadda si ay wax badan uga soo ogaadaan shaqooyinka socda iyo sida ay dekedu u shaqaynayso, aydoo dhowaan bilaaban doonaan sidii loo balaarin lahaa dekeda.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Waftiga uu Hoggaaminayo ayaa booqaday Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay garoonka diyaaradaha oo ay ka socdeen shaqooyinka cashuurista Badeecadaha garoonka ka soo dega.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa kulan la qaatay Maareeyaha garoonka, Maamulaha Kastamka waxaana looga wada hadlay kulankaasi shaqooyinka dhanka dib u-habeynta ee lagu hormarinaayo garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo dar-dargelinta dakhliga.