Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibbeda Ethiopia

13 Okt  2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa galabta kulan kula qaatay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibbeda Ethiopia, Mudane Demeke Mekonnen.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee deriska -isla markaana iskaashi xooggan looga sameyn lahaa arrimaha amniga, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Addis Ababa, iyaga oo ka qaybgalaya shirka Tana Forum oo looga hadlayo arrimaha amniga ee qaaradda Afrika.

About The Author