Sawirro: Wasiirka Shaqo-gelinta, Qoyska iyo arimaha Bulshada Somaliland oo Badhan booqanaya
18 Okt 2022 (Puntlandes) Wasiirka Shaqo-gelinta, Qoyska iyo arimaha Bulshada Somaliland Mustafe Godane Cali Bile Iyo Wafti Uu hogaaminayo ayaa saaka lagu soo dhaweeyey magaalada Badhan.
Magaalada Badhan waxa dhexjooga abaanduulihii ciidanka Puntland taliye Xuseen Dheere oo aan saaka ka soo bixin hotelka Sanaag oo magaalada Badhan ka degenyahay, waxana hore Madaxweyne Deni uu uga soo saaray cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland ee ku sugnaa gobolka Sanaag isaga oo xoojin u keenay Garowe.
Somaliland ayaa qorsheynaysa in ciidankoodu isku fidiyo inta u dhexeeysa Yube ilaa Ceeldaahir ee gobolka Sanaag maalmaha soo socda.,
Maamulka Madaxweyne Deni ayaa wax falcelin ah weli ka sameyn dhaqdhaqaaqyada Somaliland inta uu xilka qabtayi,waxaana dhawr bilood kahor Gobollada Sanaag iyo Haylaan laga soo saaray dhammaan ciidankii Puntland ee la tababaray goobihii ay ka fadhiyeen.