Sawirro: Wasiirka horumarinta reer miyiga Somaliland oo Dhahar gaaray

18 Okt  2022 (Puntlandes) Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland ayaa waxaa maanta gaaray Wasiirka horumarinta reer miyiga Somaliland Axmed Aadan Guray.

Sidoo kale waxaa magaalada Badhan gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Shaqo-gelinta, Qoyska iyo arimaha Bulshada Somaliland Mustafe Godane Cali Bile, halkaan ka akhriso.

Waa Wasiiradii u horeeyey oo Somaliland ka tirsan oo booqda gobolda sanaag iyo Hayland muddo ka badan 7 sano, taas oo soo afjarantay markuu xilka hayey madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

 Maamulka Madaxweyne Deni ayaa wax falcelin ah weli ka sameyn dhaqdhaqaaqyada Somaliland inta uu xilka qabtayi,waxaana dhawr bilood kahor Gobollada Sanaag iyo Haylaan laga soo saaray dhammaan ciidankii Puntland ee la tababaray goobihii ay ka fadhiyeen.

About The Author