Akhriso Beesha Dishiishe oo ka hortimid doorashada golayaasha degaanka
18 Okt 2022 (Puntlandes) Beesha Dishiishe ee degta gobolada Bari iyo Karlkaar ayaa Bayaan ay soo saartay uga hortimoid Doorashada golayaasha degaanka ee ay sheegtay inay Puntland ka qabanayso xukuumadda Siciid cabulaahi Deni.
Beesha ayaa sheegtay inaysan sax ahayn qaladna uu ka buuxo xadaynta Soohdimaha degmooyinka ay shaacisay xukuumadda Deni, taas oo deegaano jira laga tagay kuwo aan jirin lagu soo daray.
Sidoo kale Beesha ayaa caddaysay inuu qalad ku jiro masaafada ay isku jiraan deeganada hoos yimaada xarunta degmada.