Madaxda ka qaybgalaysa furitaanka Dekedda Garacad
20 Okt 2022 (Puntlandes) Dekedda Garacad oo ah mashruuca ugu weyn ee Soomaali si isku tashi ah u samaysatay ayaa la furayaa maalinta Sabtida ah oo 22ka Oktoobar 2022.
Madaxda munaasabadda furitaanka kasoo qaybgalaysa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh, Wasiirka Dekedaha Gen. Ilkojiir, Madaxweynaha DDI Mustafe Muxummed Cumar (Cagjar), wufuud ka imanaysa dalka Jabuuti iyo wafdi ka socda Soomaalida Kenya.