Sawirro: MWasiirka Gaashaandhiga Dalka Kenya oo gaaray Garacad

22 Okt 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garacad kusoo dhawoweeyey Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ka socda Dalka Kenya.

Waftigaan balaaran ee ka socda Dalka Kenya ayaa ka qaybgalaya xariga ka jarka wajiga koowaad ee dekada Garacad, Madaxweynaha waxa soo dhawaynta kala qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo masuuliyiin kale.

About The Author