Sawirro-Muuqaal: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeeray xarunta Maaliyadda ee Gaalkacayo
24 Okt 2022 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda dawladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo uu wehiliyo Wasiir ku-xigeenka dakhliga Cali Cumar Caarshe ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Gaalkacayo.
Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug Ismaciil Cabdinuur Geesey ayaa Wasiirka halkaasi ku soo dhoweeyay waxana ay mas’uuliyiintu booqdeen xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda iyga oo wax ka ogaaday shaqooyinka socda.
Dhinaca kale Wasiirada ayaa kulan la yeeshay Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug waxaan looga hadlay shaqooyinka socda, caqabadaha jira iyo sdii loo dardar-gelin lahaa kor u qaadida dakhliga.
Ugu dambayn Wasiir Dhabanacad ayaa mas’uuliyiinta Wasaaaradda ku amaanay dadaalada ay ku bixiyeen kobcinta dakhliga waxana uu kula dardaarmay dardargelinta howlaha Wasaaradda ee Gobolka iyo kor uqaadista dekhliga, iyada oo hada gobolku yeeshay Dekadda Garacad ee dhawaantan xadhiga laga jaray.