Sawirro-Muuqaal: Bursaalax oo uu ka furmay Shirka dib u heshiisiinta labo beelood oo wada dega gobolka Mudug

14 Nov 2022 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa Magaalada Bursaalax ka Daah furay Wajiga 1aad ee Shirka Dib-uheshiisiinta Beelaha Walaalaha ah ee Wada dega Gobolka Mudug.

Shirkan waxaa goob joog ahaa Isimada Gobolka Mudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Bursaalax, qaar kamida Nabadoonada iyo wax-garadka Gobolka Mudug, Ururada Dhalinyarada Degmada Bursaalax, Xubno ka socda Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland iyo Ergooyin ka kala socda Beelaha Gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali oo daah Furay shirka ayaa tilmaamay Muhiimada ay Maamulkiisu uleedahay dib-uheshiisiinta Beelaha iyo ilaalinta Nabada Gobolka, Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ergooyinka beelaha kula dardaarmay ka mira dhalinta nabadeynta beelaha walaalaha ah iyo isu-tanaasulka wax-kasta oo laga maarmi karo inay dhinacyadu muujiyaan dabacsanaan iyo Tanaasul, dhanka kale Gudoomiyaha ayaa taabtay in ka maamul ahaan ay korjoogtayn doonaan Diyaarna uyihiin doorkasta oo looga baahdo si ay u hirgasho Nabad waarta.

About The Author