Galmudug oo gacanta ku dhigtay ajaanib horay Alshabaab ugu afduubnaa
27 Nov 2022 (Puntlandes) Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay ku dhawaad 20 kalluumaysato ah oo u dhashay dalalka Pakistan iyo Iran, kuwaas oo horey looga qafaashay xeebaha Soomaaliya dhowr sano kahor.
Sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan Galmudug, Labaatanka qof oo dhammaantood rag ah ayaa gacanta ugu jiray kooxda Alshabaab, kadibna waxaa la sheegay in ay soo daayeen.
Lama garanayo qaabka lagu sii daayay, balse waxaa la sheegay in ciidamada Galmudug ay xalay ka qabteen kalluumaysatadan inta u dhaxaysa magaalooyinka Hobyo iyo Xaradheere .
Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay inay dadkan la kala socdeen laba doonyood, isla markaana ay ka shaqaynayaan sidii loogu gacan gelin lahaa waddamadii ay u kala dhasheen.