Sawirro: Madaxweyne Deni oo booqday Dekedda Garacad
21 Dec 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa saaka kormeeray Dekedda cusub ee magaaladaasi oo ay ka socoto shaqo Lixaad leh.
Madaxweynuhu waxa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Dekedda, isagoo warxino faahfaahsan oo ku qotoma qaabka shaqadu u socoto ka dhegaystey masuuliyiinta iyo hawlwadeenada dekedda.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa ku wehelinaayey kormeerka shaqo ee uu ku tegey dekedda Garacad masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Guddiga Shirkadda Wadaagsan.