Sawirro: Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Hay’addaha Dowladda ee ka hawlgelaya dekedda Garacad
21 Dec 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Hay’addaha Dowladda ee ka hawlgelaya dekedda Garacad.
Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha Dowladda iyo unkidda dhismaha xarumaha muhiim ka ah ee dowladda waxa ay meelsare uga jirtaa siyaasadda Xukumadda Dowladda Puntland.
Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo Guddiga Shirkadda Wadaagsan ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ku wehelinaayey dhagax dhigga.