Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalka Baydhabo ka dhacay

23 Dec 2022 (Puntlandes) Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa war kooban ka soo saartay dagaalka Baydhabo ka dhacay saaka iyadaa ku boorisay siyaasiyiinta inay wada hadal arinta ku xaliyaan.

Hoos ka akhriso qoraalka:

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka xun tahay shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

Dowladda Federaalka waxay ku boorineysaa dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo.

About The Author