Axmed Karaash oo madaxtooyada uga baxay dhanka gobolka Sool
01 Jan 2023 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash (Axmed Karaash) ayaa u baxay dhankaas iyo gobolka Sool, iyadoo magaalada Laascaanood uu ka socdo kacdoon shacab uuna maamulka Muuse Biixi uu rasaas culus u adeegsaday shacabka.
Madaxwayne ku xigeenka ayaana markii uu Madaxtoyada ka soo baxay aaday deegaanka Falayryaale oo maalmahan uu ciidamo ku diyaarinayey halkaas si uu ugu gurmado shacabka Laascaanood.
Puntlandes.com