Heshiis khilaaf daba jogo oo Soomaaliya jogto kanoqday!!
Axdiga iyo balamaha la galo waxaa diinteenu sheegtay in loo fuliyo sidii lagu balamay laguna heshiiyey heshiis lakala saxiixday laakiin aan la fulin waa balan furyo (musuqmaasuq) iyo been cad waayo wixii aad balan qaaday ayadaan fulin
Hogaamiyayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya waxay markaste saxiixaan heshiis ay ku sifeeyaan inuu dhamaaday khilaafkii siyaasadeed ee Soomaaliya kala qoqobay, maantana lajogo xiligii ummadda Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsan lahayd,
Waxaan is weydiiyey siyaasiinta Soomaaliya miyeey nooo been guurayaan oo waxay rabaan inay nagu maaweelyaan war murtiyeed beena? oo `aan la fulin laakiin la saxiixo?.
Siyaasiinta Soomaalida xaalkoodi ma ilka Abeeso hoos bay ka xariirsan yihiin-baa. Oo khilaafka waa kawada socdaan?.
Ma heshiiska Soomaalidu isla gasho ayaan ahayn kan caalamka looga dhaqmo?.
Waxaa lakala saxiixda heshiis dukumiinti ah waxaayna saxaafadda u sheegaan in heshiis kaan uu yahay mid tariikhiya ummadda Soomaaliyeed-na ay in badan sugayeen..
Shacbiga Soomaaliyeed ee ku jahawareersan siyaasadda hogaamiyayaashooda ayaa aad u soo dhaweeya heshiiska madaxdu isla gareen waana loo sacaba tuma” waxaana lagu soo dhaweeyaa ciyaar dhaqameed heeso iyo gabayo..
Waxaa madaxda siyaasada Soomaaliya ay isla galaan Masawiro ama Sawiro, lagu Micneeyo sawiro tariikhiya oo muujinaya walaaltinimada iyo isku kalsoonida Siyaasiinta Soomaaliyeed.
Mar haddii heshiis dhacay oo saxiix lakala samaystey wixii xigi laha waa fulinta iyo Hirgalinta heshiiskii lakala saxiixday waxaana shacbiga Soomaaliyeed ay ka war dhawraan qaabka loo fulin doono heshiiskaas maxaase xigi doona?..
Soomalidu waxay ku mahmahda meeshii (Cir laga sugayey ayaa ciiryaamo ka timid) waxan ula jeeda meeshii dadka Soomaaliyeed ay ka sugayeen fulinta heshiiskii Hogaamiyayaashooda ayaa waxaa la maqlaa isla asbuuc gudihiis khilaaf hanjabaad iyo goodi siyaasadeed oo saxaafadda ay isku marinayaan madaxdii shalay hishiiska kala saxiixday isku meesha war murtiyaadka ka soo saaray sawirada islagalay. Shacbiga Soomaaliyeedna u sheegay in laga heshiiyey khilaaf siyaasadeedkii Soomaaliya Ragaadiyey ama curyaamiyey. haddaba su’aashu waxay tahay khilaafka iyo heshiiska keeban qaadana oo rumaysanaa haddii aanahay shacbiga Soomaaliyeed..
Bal wax yar aan xusno heshiisyada shacbiga Soomalaiyeed loo soo bandhigay hadana khilaafku dabayaal..
Puntland iyo xukumadda Federalka ee saldhigeedu yahay Muqdisho
Puntland iyo DFS waxay isla qateen heshiis heshiiskaas oo ah heer wasiiro heer xildhibaan iyo heer madaxweyne hadana waxaad maalin kaste saxaafadda ka arkaysaa khilaaf jogta oo hawda la isku marinaayo. Maxaa khaldan, yaase heshiiyey. mise heshiisyada puntland iyo xukumadda federalka ay isla galaan ayaan ahayn mid saxa?..
Jubalnd iyo xukumadda Federalka ee saldhigeedu yahay Muqdisho
Jubland ayaa waxaa mar kasta taga hogaamiyayaasha DFS waxayna soo bandhigaan heshiiso ilaa ay furan oo saxiixaan dhismaha barlamaan, shirarka muhiimka iyo hirgalinta nidaamka dawligaa’ hadana waxaad arkaysaa isla Bil gudaheed khilaaf ka dhex taagan Jubland iyo xukumadda dhexe ee federalka muxu yahay waxay ku heshiyaan malmihii tagay?..
Gobollada iyo xukumadda Federalka ee saldhigeedu yahay Muqdisho
Gobollada dhexe waxaad arkaysaa safaro aan kala go, lahayn oo madaxda Soomaaliya ku tagayaan gobollada dhexe waxaa dhaca xaflado qurux badan iyo marxabayn jogta hadana waxaad arkaysaa eedayn iyo cambaarayn loo jeedinaayo DFS maxaa shalay iyo doraad lagu heshiiyey oo la isla qaatay?. maxaase is badalay?..
Somalind, iyo xukumadda Federalka ee saldhigeedu yahay Muqdisho
Somalind iyo xukumadda dhexe ee federalka waxay isla waddan saxaafaddana u soo ban dhigaan inay yeelan doonaan wadda hadalo hadana waxaad arkaysaa muran jogta kuna salaysan hebel yuusan shirka ka qayb gelin iyo hebel ima matalo waa su’ aale haddii hannan dawladnimo loo wada hadlaayo qofka aminsan midnimada Soomaaliya iyo kan aminsan kala go. Ah, Soomaliya ee labaduba ka soo jeed waqooyiga Soomaaliya miyeysan wadda hadli kareyn” ileen waxa la isku haya waa aragtiye?..
Waxaan is weydiiyey siyaasiinta miyeey nooo been guurayaan oo waxay rabaan inay nagu maaweelyaan war murtiyeed beena?
Siyaasiinta Soomaalida xaalkoodi ma ilka abeeso hoos bay ka xariirsan yihiin-baa.
Ma heshiisyadda la isla saxiixanaayo ayaa ah ku afka heshis laga sheego niyadana la iska khilaafsanaa yahaybaa?.
Ma heshiiska Soomaalidu isla gasho ayaan ahayn kan caalamka looga dhaqmo?.
Ugu dambayntii madaxda Soomaaliya waa inay isticmaalan siyaasad hufan oo kalsooni ku dhalin karta shacbiga ay masulka ka yihiin waana inay fuliyaan ballamaha ay isla galaan xitta haddi ay mure ka qaraartahay waayo ballan aad gashay waa inaad fulisaa, alle ayaa qurankiiisa ku caddeyey..
Cabdinuur Faarax Maxamuud
Falanqeeye arrimaha bulshada