Fadeexad:Mashruucii Dekadda Garacad xaggee ku danbeeyay Warar isa soo taraya
30 May 2015 (Puntlandes)- Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay shacabwaynaha reer Puntland gaar ahaam akhristayaasheeda u soo gudbinaysaa Qoraal xaqiiq ku salaysan oo ka hadlaya sida ay ugu Ciyaarayaan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Shaqsiyaad yara oo ay shehiis ku yihiin Musuqmaasuq, u damqasho la’aan Puntlandta maanta tan brei.
Qoraalka oo ku saabsan Xog rasmi ah ayaa waxaa qoray baaritaan dheer ka dib puntlandobserver wuxuuna ka hadlayaa meeshii uu ku dambayey Mashruucii Dekeda Garacad iyo Wadada wadaagsin iyo sida ay Xulufada GAAS Mugdi u geliyeen Mustaqbalka Caruurta Puntland iyo Jiilasha xiga.
Hadaba halkan hoose ka akhriso Qoraalka:
Warar si hoose Puntlandobserver ugu soo dhacay ayaa sheegaya warbixno cusub oo ku saabsan Mashruucii Dekadda Garacad iyo wadada wadaagsin.
Warar ay Puntlandobserver illo xog ogaala si hoose ugu soo gudbiyeen ayaa sheegaya in Mashruucii Dekadda Garacad uu meesha ka baxay.
Yaa mashruucaan u tartamay in ay Fulinayaan.
Waxaa markii hore Mashruuca Garacad Goldogob ballanqaaday in ay dhisayaan Shirkad Chinese ah oo markaas 2 shuruudood ku xirtay mashruuca, shuruudahaas oo kala ahaa in ay doonayaan in ay World Banka kasoo daynsadaan lacagta ay mashruucaan ku dhisayaan, dabadeedna ay lacagtaas kasoo ceshadaan gaadiidka isticmaalaya Dekadda Garacad iyo wadada wadaagsin oo markaas sidaas dayntii world Bank dib ugu ceshaan iyo in ay doonayaan in ay Heshiiskan lagalaan Dawladda Federaalka.
Dawladda Federaalka ayaa aad uga soo horjeedda in Dekad iyo waddo laga dhiso Puntland, taas oo mashruuucii caqabad ku noqotay.
Waxaa iyana ballanqaaday in ay mashruucaan fulinyaan Shirkadda caankaa ee Dubai Ports Authority (DPA) oo caalamkoo dhan dekadaha iyo ayraboorada maalgashata sida dekadda Jabuuti oo kale.
Dubai Ports Authority (DPA) ayaa la sheegayaa in ay aqballeen in ay maal galinayaan dhisídda dekadaha Boosaaso iyo Garacad isla markaana ay ku maalgalinyaan lacag ka badan illaa 400 oo million oo dollar.
Waxaana warar hoose sheegayaan in xitaa waraaqihii lakala saxiixday
Iyadoo ay xaajadu halkaas marayso ayaa waxaa la sheegayaa in ay Abu Dhabi Dawladda Puntland ka codsatay in ay soo sheegaan mashaariic degdegga oo ay puntland u baahantahay in markaas ay Abu Dhabi maalgalinayso mashaariicdaas.
Abuu dubai lacagta ay bixisaa waa sadaqo, laakiin Dubai port authority waa shirkad ganacsi oo gaar loo leeyahay
Dabadeedna waxaa warar hoose sheegayaan in wasiirka Maaliyadda walaalkiis Ciise Shire Faarax oo ah nin Mafiya ah uu soo jeediyay in ay mashruucii Boosaaso u geeyaan Dawladda Abu Dhabi dabadeedna ay qaataan Qandaraaska lagu maalgalinyo Dekadda Boosaaso si markaas halkaas lacag fiican ay jeebka madaxda Puntland ugu xarooto
Waxaana mashruucii Boosaaso qandaraaskiisa la siiyay nin Falastiiniya oo shirkad ay wada leeyihiin Ciise Shire Wasiirka Maaliyadda walaalkiis.
Waxaana warar isa sootaraya ay sheegayaan in Madaxwaynaha Puntland iyo wasiirka Maaliyadda wada shaqayn sare ka dhaxayso oo si hoose heshiis lowgu yahay wixii faa iido kasoo baxa.
Arrinkaas ayaa waxaa la sheegayaa in ay aad uga caradoodeen shirkaddii Dubai Ports Authority (DPA) ee horey heshiiska loola galay, markii danbana aan wax xiriira lala samayn.
Halkaas ayaa waxaa meesha uga baxay mashruucii Dekadda Garacad, iyadoo madaxda Puntland ay kala waynaatay mustaqbalkii shacabka Puntland xooggaa yara oo lacaga oo jeebka lagu shubto.
Dad badan ayaa aad ula yaaban sababta Abu Dubai lowgu gayn waayay mashaariic kale ee lawgu geeyay Mashruuc horay loo diyaarshay oo shirkadi ay diyaar u ahayd in ay maal galiso
Dhanka kalena waxaa sidoo kale ilma shire ay lacag jacayl awgiis sidaas oo kale ay laaluusheen mashruucii jaamacadda maakhir iyo ayraboorka Garoowe hoos ka eeg war´bixin shacabka media arrinkaas ka qoray
Dhanka kalena warar isa soo taraya ayaaa sheegaya in ay Ilma Shire Faarax in muddo ahba la shaqaysanayeen Maraakiibta Puntland badeeda Jariifa, oo xitaa wasirrka maaliyadda lacagta uu isku soo sharaxay badankeedu halkaas ka timid
Hoos ka eeg warbixin muhiimadda mashruuca Garacad Goldogob muhiimadiisa Puntlandobserver hadda ka hor ka diyaarisay
Mashruuca Dekadda iyo Wadada Garacad Goldogob oo dhaqaalaha Puntland 3 Jibaari kara Maqaal
Mashruuca Dekadda iyo Wadada Garacad Goldogob oo dhaqaalaha Puntland 3 Jibaari kara Maqaal
Xigasho: puntlandobserver.com
Puntlandes.com