Daawo Video: Madaxweynaha Jubaland oo booqanaya Qoysaskii ay saamaeyen Roobab mahiigaan ah oo Kismayo ka da’ay
30 May 2015 (Puntlandes)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqday Qoysaskii ay saamaeyen Roobab mahiigaan ah oo Kismaayo ka da’ay. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku lugaynaya biyo jilbaha u jooga isagoo mid mid u booqanaya Qoysaskii ay dhibaatadu ka soo gaaratay Biyaha badan ee Roobakaasi keeneen.
Waxaa Xusid mudan in shacabka dawladnimada jecel ee reer Gaalkacyood ee Puntland ay ka soo gaartay Dhibaatooyin aad u baaxad wayn oo Roobab Mahiigaan ah oo ka da’ay Gaalkacyo ay sababeen iyadoo laga Qaxay Xaafado badan ayna wali Xiran yihiin Iskuulaadkii, Suuqyadii iyo Goobihii kale oo Bulshada loogu adeegaya uusan soo booqan madaxweyanhooda Cabdiwali Maxamed Cali GAAS isagoo ka door biday in uu safar aan micno soo kordhinayn uu dibada ugu baxo isla markaasna uu lacagtoodii uu Canshuur ahaanta uga qaaday uu u isticmaalo si qaldan.
Ugu dambayntii Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe lama barbar dhigi karo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali GAAS oo aanba ka war qabin dhibaatooyinka soo gaara dadkiisa una damqanayn.
Ilaa iyo hada wax Gurmad ah oo uga yimid reer Gaalkacyood dawlada Puntland aysamn jirin walina lag Gurto CANSHUUR wax loogu yeeray. Hoos ka akhriso Qoraalo badan oo ay Warbaahinta Puntlandes hore uga qortay arintan:
EXCLUSIVE: Inta goor oo uu Gaas dalka ka Dhoofay iyo inta uu maqnaa, Maxaase laga dheefay?
Daawo Video madaxweyne Axmed Madoobe oo kormeeray Khasaarihii ay Roobabkaasi sababeen
Puntlandes.com