Sawiro: Madaxwaynaha Puntland oo dhagax dhigay Dhisme loo dhisayo Wasaradda Arrimaha Gudaha

3 jun 2015 (Puntlandes) Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dhagax dhigay xarunta wasaaradda ee wasaradda arrimaha gudaha ay ku yeelanayso Caasimada Puntland.

Munaasabadda dhagax dhiga waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Puntland, wasiiradda deegaanka,cadaalada,howlaha guud, agaasimaha guud ee wasaradda Caafimaada, gudoomiyaha degmada Garowe, gudoomiyaha ururka haweenka Puntland, masuuliyiinta ka socda Hay’adda TIS-DIA iyo madax kale.

Madaxwayne Gaas ayaa hadal kooban oo uu soo jeediyay halkaas waxa uu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay dhismahan ay yeelanayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, wuxuna Hay’adda ka gacan siisay ku ammaanay taageeridooda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa horay u deganayd gudamaha magalada Garowe, hase yeeshee xaruntan cusub ee loo dhagax dhigay ayaa ku taala dhabarka danbe xarunta wasaradda caafimaadka oo Garowe kaga taala duleedka waqooyi.
105a

105b

105c

105d

105f
Puntlandes

About The Author