DEG DEG: GAAS oo isku shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaraddaha, kalana diray Golihii Deegaanka Garowe
3 jun 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntalnd Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa iskushaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Agaasmiayaasha Guud ee Wasaaraddaha Puntand,waxayna kala yihiin sidatan:
Maxamed Cali Faarax oo ahaa Agaasmiayaasha Guud ee Wasaaraddaha Arimaha Gudaha waxaa loo badalay Agaasmiayaasha Guud ee Wasaaraddaha Cadaaladda Diinta iyo Dhaqan celinta .
Cabdirisaaq Nuux Maxamuud oo ahaa Agaasmiayaasha Guud ee Wasaaraddaha Cadaaladda, Diinta iyo Dhaqan celinta waxaa loo badalay Agaasmiayaasha Guud ee Wasaaraddaha Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.
Muno Daahir Dalmar oo ahayd Agaasmiayaasha Guud ee Wasaaraddaha Haweenka iyo Horumarinta Qoyska waxaa loo badalay Agaasmiayaasha Guud ee Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale maanta Magacaabay maamulka Degmada Garoowe.
Axmed Siciid Geelle Garoon Shoode ayaa waxaa loo magacabay Gudoomiyaha kmg ah ee Degmada Garoowe halka sidoo kale Mustafe Maxamuud Ismaaciil Faarax gudoomiye ku xigeenka KMG ah ee Degmada Garoowe
Madaxweyne GAAS waxaa uu kala diray maanta Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.
Puntlandes.com