Ergada ka qayb-galaysey shirkii Cadaado oo gacmaha isula tegey
4 jun 2015 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado oo uu ka socdo shirka maamulka loogu dhisaayo gobolada dhexe ayaa sheegaya in ergadii shirku gacmaha isula tageen kadib markii buuq halkaas ka dhashey.
Wararku waxay sheegayaan in qaar kamid ah ergado ay isla dhaceen kuraastii ay ku fadhiyeen sida uu warbaahinta u sheegay Mahad Diiriye oo kamid ah ergada, waxaana uu sheegey in la jeex-jeexey Axdigii kumeel-gaarka ahaa ee meesha la keenay.
Sababta buuqa dhalisey ayaa lagu sheegey in ay ka dhalatey ka doodista axdiga kumeel-gaarka ah, kadib markii ergada loo qaybiyey, ayaa la sheegayaa in guddoomiyaha guddiga farsamadu haweeneyda la yiraahdo Xaliima Yareey ay khudbad u jeedisey sheegteyna in aan waxba laga bedeli doonin Axdigan ee ay sidaas ku ansxiyaan, waxaan Axdigu dhigayaa in caasimaddu tahay Dhuusamareeb, taas oo in badan oo kamid ah regadu diidan tahay.
Buuqa u weyn ayaa la sheegayaa in ay bilaabeen eragada taageersan Cabdi Cawaale Qaybdiid, oo ka soo horjeeda sida hogaamiyahooda shirka loola dhaqmey.
Shirkan ayaa muddo badan ka bixi waayey khilaaf iyada oo ugu danbeyn shakhsiyaad ka soo yaacey meelo kamid ah Waqooyiga Mudug laga saarey shirka iyada oo la fulinaayo heshiiskii Dowladda federaalka iyo maamulka Puntland ee ka arrimiya Waqooyiga Mudug.
Xigasho: Horseed Media
Puntlandes.com