Somaliland Beesha Caalamka eedayn ugu jeedisay kahadalka xaalka Laascaanood beenisayna
10 Feb 2023 (Puntlandes) Somaliland ayaa Warsaxaafaeed ay soo saartay ku eedeysay Beesha Caalamka in ay ka been sheegtay xaalka magaalada Laascaanood.
Dhanka kale qoraalka ayaa waxay ku sheegay in dhib kajiro magaalada, waxayna sheegtay in ay caalamku qaateen warar been abuur ah, waxay ku adkeystaay Hargeysa in ay Argagixiso caalami ah (ALQAACIDA), ciidanka Puntland ee PSF iyo Maleeshiyaad deegaanka ah oo gabaadsiinaya la dagaalamayaan.
Somaliland wey inkirtay, run ahaanshaha in ay duqeysay xarumaha Isbitaalada, guryaha dadweynaha, goobaha cibaadada iyo Duqeyn aan kala sooc laheyn, dhammaan cadeymaha muuqdana waxay sheegtay kuwa been ah.
Qoraalka, waxaa lagu sheegay in ay Somaliland kufilan tahay nabaddeeda oo ay sugeydo amniga Laascaanood, tan oo ka dhigan sii wadida duulaanka aan gabashada laheyn ee lagu qaaday shacabka magaalada ee is difaacaya.