Go’aamo ka soo baxay shir ay yeesheen Madaxweynaha iyo Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka Somaliland

11 Feb 2023 (Puntlandes) Shir ay yeesheen Madaxweynaha Somaliland oo isla markaasna ah gudoomiyaha Xisbiga Kulmiyr iyo madaxda Xisbiyada UCID iyo Waddani ayaa waxaa ka soo baxau go’aamo ku saabsan dagaalkii magaalada Laascaanood ku dhexmay Somaliland iyo shacabka SSC.

Shirka oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, kuna wehelinayey ayaa laga soo saaray go’aamadda hoose:

1. In arrinta Laascaanood si nabada lagu dhammeeyo oo laga fogaado wixii colaadda sii hurin kara.

2. Saddexda Xisbi waxay soo dhaweeyeen, taageersan yihiinna xabbad joojinta xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen inay aqbalaan xabbad joojinta.

3. In Khilaafkii doorashooyinka laga wada hadlo, si xal looga gaadho, iyadoo loo xilsaaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si ay u soo ururiyaan talooyinka kulanka kan xigana u soo muddeeyaan.

4. In loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida ugu dhakhsaha badanna kaalmo loo gaadhsiiyo.

About The Author