Somaliland ”Xukuumadda Somaliland waxay ucadaynaysaa bulshada Soomaalida & caalamka in xaaladda Laascaanood ka taagani tahay mid ka weyn tabasho bulsho…”

11 Feb 2023 (Puntlandes)Somaliland ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay xaalada gobolka Sool ayaa sheegtay in Xabadjoojintii ay dhankeeda dhaqangal katahay, dadka deegaanka ayay ku eedeysay in ay wali weerar yihiin, ciidankooda ayay sheegtay in ay Is difaac jiraan.

Sidoo kale Puntland ayay ku eedaysay in ay dagaal ka abaabulayaan Tukaraq, taas oo ay ka digeen.

Somaliland ayaa sheegtay in ay Caalamka u sheegayso khasaaraha ka imaanaya Duulaanka Tukaraq, waxay sheegtay maalmo kahorna in gudaha Laascaanod ay Puntland ciidankeedu ka dagaalamayaan.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka Somaliland:

1. Xukuumadda Somaliland waxa ay cadaynaysaa in go’aankeedii ahaa xabad-joojinta aan shuruudda lahayn uu sidiisii dhaqangal u yahay, waxna aanay iska bedelin.

2. Xukuumadda Somaliland wax ay cadaynaysaa in marka horeba ciidamadeedu aanay weerar ahayn ee ay keliya ku jireen isdifaacid, welina ay ku sugan yihiin fariisimadoodii.

3. Waxa muuqata in dhinaca kale aannu diyaara u ahayn xabad-joojin si buuxda uga dhaqangasha magaalada Laascaanood, iyaga oo ilaa maanta subaxii hore weerarro is dabajoog ah ku soo qaadayay ciidamada Somaliland.

4. Dhinaca kale, Xukuumadda waxa ay u digaysaa Puntland oo ciidamo tiro badan keenay xuduudda labada dhan wadaagaan ee aagga Tukaraq taas oo keeni karta isku dhac ciidan.

5. Xukuumadda Somaliland waxa ay u cadaynaysaa bulshada Soomaalida iyo caalamka in xaaladda Laascaanood ka taagani tahay mid ka weyn tabasho bulsho ee uu yahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo cadow ku ah jiritaanka iyo Soomaaliland oo ay ugu horeeyaan kooxaha argagixisada ihi.

6. Xukuumadda Somaliland waxa ay u cadaynaynaysaa mar kale bulshada Soomaaliland iyo caalamka in ay xukuumad ahaan ka go’an tahay hirgelinta Xabad-joojintii aan shuruuda lahayn ee xalay ku dhawaaqday kana go’antahay dhaqangalinta Xabad-joojintaasi.

About The Author