Sawirro: Madaxweyne Deni oo dhaariyey xeer Ilaaliyaha guud & Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka oo aan Baarlamaanku ansixin
12 Feb 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta xeer Ilaaliyaha guud ee Dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland Gaashaanle Sare Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed, waxaa dhaariyey Garsoore ka tirsan Maxkamada Sare Siciid Axmed Faarax.
Mas´uuliyiintaan Madaxweynuhu dhaariyey ayaa sida ku cad dastuurka waxay ahayd inay in Xildhibaanada Puntland ay siiyaan cod oo ay helaan Xasaanadda Baarlamaanla Puntland, taas oo aan dhicin ma shaqayn karaan lamana dhaarin karo.