Muuqaal: Xukuumadda Somaliland iyo Tobanka Urur Siyaasaddeed ee Cusub oo soo saaray qodobo la xiriira Laascaanood

12 Feb 2023 (Puntlandes) Shir xalay ka dhacay Madaxtooyada oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi kuna Wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulankii labaad ee loo balansanaa maanta oo Axad ah, laga soo saaro go’aamadii ay u balameen shirkii kan ka horeeyey Tobanka Urur siyaasadeed ee u soo baxay tartanka Xisbiyada Somaliland iyo Xukuumadda Somaliland.

Qoddobada ka soo baxay Shirku waxay u dhignaayeen sidan:

1) In arrimaha Somaliland Ururada iyo Xukuumaddu meel uga soo wada jeedsadaan, waxkasta oo ku yimaadna si midaysan looga hortago.

2) In xaaladda Laascaanood lagu soo dabaalo nabad iyo wada-hadal, si xal waara loo gaaro.

3) In madaxda Ururaddu ay taageereen xabad joojinta xukuumaddu ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen dhanka kale in ay fuliyaan, sidoo kale waxay hoggaamiyeyaasha Ururadda iyo xukuumaddu isla garteen in la sii wado dadaalka nabada ee Laascaanood.

4) In Ururadda siyaasadu gacan buuxda ka geystaan xal u helidda Colaadda Laascaanood.

5) In Somaliland ahaan Taakulo iyo Gurmad deg-deg ah loo fidiyo bulshadda ka barakacday Magaaladda Laascaanood.

6) In ururadda siyaasaddu leeyihiin xuquuq siyaasadeed oo la mid ah ta xisbiyaddi hore, islamarkaaa ay qayb ka yihiin taladda iyo wada-hadalkasta oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

7) Ugu danbayn, waxa si wadajira la iskula gartey in Ururaddu ay iska soo saaraan hal-hal xubin oo qayb ka noqda taladda iyo wada-hadalada doorashooyinka.

About The Author