Muuqaal: Xasan Shire oo si kulul uga hadlay diiwaangelinta Puntland & dagaalka Laascaanood
12 Feb 2023 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garowwe ayaa si kulul uga hadlay diiwaangelinta aan heshiiska lagu ahayn ee ay Xukuumadda Puntland & dagaalka maalintii 7aad ka socda magaalada Laascaanood.
Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in diiwaangewlinta ay Xukuumaddu ku wado Ciidan, Tekniki farobadan iyo lacag ayna la wareegtay shaqadii guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC.
Xasan Shire Abgaal ayaa yiri ”Doorashada hada socoto maahan mid Umadu u dhantahay markaa wakhtiga haku luminina”
Xasan Shire ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay waajibkooda ka gutaan dagaalka Laascaanood kadib markii sida uu sheegay ay ku fashilantay xukuumadda Deni oo uu ku eedeeyey dastuurjebin.