Khasnajigii Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug oo Gaalkacyo lagu dilay
12 Feb 2023 (Puntlandes) Waxaa magalaada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug isagoo Masaajid Salaadii subax uu ku tukaday kasoo baxay lagu dilay Allaha u naxriistee Cabdullaahi Khaliif Jiiqaale oo ahaa Khasnajigii Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug.
AUN Cabdullaahi Khaliif ayaa noqonaya mas´uulkii labaad ee Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug oo gacan ka xaqdaran ku toogatay magaalada Gaalkacyo muddo sadax bilood gudahood ah.
Magalaada Gaalkacyo oo waxgaradkeeda lagu dili jiray ayaa waxaa ka hawlgalay dhaliyo reer Gaalkacyood ah oo gacanta ku dhigay rag badan oo ka tirsanaa Alshabaab oo waxgaradka ku dili jiray magaalada, iyadoo qaarkood la toogtay, qaarna dil lagu xukumay, qaar kalena aan wali Maxkamad la saarin.
Mudooyinkaan dambe waxaa ku yimid amniga magaalada habacsanaan, waxayna dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Siciid Cabdulaahi Deni ay curyaamisay shaqadii ay hayeen dhalinyaradaas.