Warmurtiyeed Culimada Soomaaliyeed ee Kenya ay ka soo saareen dagaalka Laascaanood
12 Feb 2023 (Puntlandes) Culimada Soomaaliyeed ee Kenya ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi waxay uga soo saareen warmurtiyeed ku saabsan dagaalka Laascaanood, iyagoo ku baaqay xabadjoojin deg deg ah.
Hoos ka akhriso Warmurtiyeedka:
Warmurtiyeed Culimada Soomaaliyeed ee Kenya
Sida la wada ogsoon yahay waxaa dhawaanahan magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool ka socday dagaal aad u kharaar oo ku daatay dhiig badan oo isgu jira dhimasho iyo dhaawac, kuna burburtay hanti isla markaasna ay ku barakaceen dad aad ubadan.
Hadaba anagoo ah Culimadii Soomaaliyeed ee Kenya ku nool kana uulayna waajibka naga saaran diinta, dadka iyo dalka isla markaasna xasuusan xurmada dhiigga Muslimka sida uu Allaah ku yiri Qur’aanka.
ٹٱٹٱ ٱُّ كى كي لم لى لي ما مم نر
نز نم نن نى ني ىٰ ير يز النساء: ٣٩
Waxaan maanta oo ah Axadda Rajab 21, 1444 , kuna aadan 12 Feb 2023 kulan ku yeelanay magaalada Nairobi.
Ka dib markii aan qaada dhignay xaaladda taagan iyo xurmada ay leedahay bisha Rajab, una falanqaynay si qotto dheer dhibka taagan iyo kaalinta culimada kaga aadan waxaan isla qaadanay qodobada soo socda:
1. In si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasoo aan ku baaanayn shareecada Islaamka ahna xaaraan iyo danbi, waxaana ku baaqaynaa in la joojiyo duqaymaha lala beegsanayo maatida, masaajidda, isbitaalada iyo hantida gaarka ah isla markaasna laga qaado ciidamada kor fadhiya magaalada.
2. In si degdeg ay labada dhinca u wada fadhiistaan kuna xalliyaan khilaafkooda miiska wada hadalka si waafaqsan shareecada Islaamka.
3. Waxaan ugu baaqaynaa culimada & dhamaan waxgaradka Soomaaliyeed inay u istaagaan inay sulxi iyo heshiis dhexdhigaan walaalaha is haya, waxay culimada soomaaliyeed ee Kenya diyaar u yihiin inay hormuud ka noqdaan dadaal kasta oo colaadda lagu daminayo oo sulxi lagu raadinayo.
ٹٱٹٱُّ مم نر نز نم نن نى نيىٰ الحجرات: ٩
4. Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dagaalamaya & dhammaan dadka Soomaaliyeed inay joojiyaan kana waantoobaan hadalada xanafta leh ee sii hurinaya colaadda, dadkana sii kala fogaynaya.
5. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dadka Soomaaliyeed gude iyo dibadba inay u gurmadaan dadka dhibku ka soo gaadhay dagaalka Laas-caanood.
6. Culimadu waxay magacaabeen guddi ka shaqeeya gurmadka iyo taakulaynta dadka ku dhibaatoobay dagaalka Laas-caanood.
7. Waxaan ummada Soomaaliyeed uga baaqaynaa inay Ilaahay u tawbad keenaan kuna dadaalaan midnimadooda iyo wada-jirkooda. Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu Colaaddaas nabad noogu baddelo.
8. Waxaan ka tacsiyeynaynaa dadkii ku dhintay, kuwii ku dhaawcmay iyo inta ku barakacdayba, waxaan Allaah uga baryeynaa inuu u naxariisto intii ku dhimatay, una booga dhayo inta ku dhaawacntay, beddal khayr qabana siiyo inta ku hanti beeshay.
Waxaa kulankan goobjoog ka ahaa culimada kala ah:
1. Sh Maxamed Cabdi Umal
2. Dr. Sh. Maxamed Sh. Cismaan
3. Sh. Maxamed Cismaan Calasow
4. Sh. Maxamed Qaasim Maxamuud
5. Sh. C/raxmaan Cumar Axmed (Dheere)
6. Sh. Maxamed Shariif C/raxmaan (Shariif Dhawiil)
7. Sh. Maxamuud Sh Xassan (Abu Shayba)
8. Dr. Sh. Maxamed Ibrahim Shakuul
9. Dr. Axmed Sh C/ladiif Cismaan
10. Sh C/waaxid Xassan Maxamed
11. Sh. C/qaadir Maxamed Cismaan (Boobe)
12. Sh Cali Xuseen Sugulle (Usaama)
13. Sh. Muuse Daahir Aweys
14. Sh Maxamed Muuse Aadam
15. Sh. C/raxmaan Maxamed C/llaahi
16. Sh. C/risaaq C/llaahi Aadam (Jiir)
17. Sh. Aadan Maxamed Cumar (Makaawi)
18. Sh. C/llaahi Xuseen Buule (Warash)
19. Sh. Xuseen Xassan Cismaan (Shibis).
20. Sh. Dawuud Sh Maxamuud Jimcaale (Sheekhunaa)
21. Sh. Cumar Maxamed Muuse (Dariiqo)
22. Sh. Maxamud Maxamed Shibli.
23. Sh. C/fataax Xassan Axmed (Shinbirow)
– Dhamaad –