Muuqaal: Ciidanka Somaliland oo ka warbixiyey dagaalka Laascaanood kuna eedeeyey….
14 Feb 2023 (Puntlandes) Taliska ciidanka Somaliland oo warbixin muuqaal ah ka soo saaray dagaalka maalintii 9aad ka socda madaalada Laascaanood ayaa soo saaray qodobada nuxurkoodu yahay.
Taliska ciidanka Somaliland ayaa sheegay qodobada nuxurkoodu yahay:
1- In ay la dagaalamayaan dhalinyarro cadiifaysan oo ay argagixiso & Puntland ka dambeeyaan, oo ay PL hubka iyo agabyada bixinayso.
2- In ciidanka SL aysan wali qaadin dagaal, ayna u turayaan bulshada iyo magaalada in ay duntana ay diidan yihiin.
3- Isimadda SSC cidna ma maamulaan mana dhageysato hadaladooda, talada waxaa gacanta ku haysa kooxda Alshabaab.
4- Madaafiicda magaalada lagu garaacayo iyo guryaha la duminayo waxaa ka dambeeya Alshabaab oo kusoo tuuraysa madaafiicda magaalada, si dambiga loo saaro ciidanka SL.
5- Shaqaaqada Laascaano ka taagan waa soo afjarmi doontaa, ciidankuna waxay fulinayaan amarada Madaxdooda & Xukuumadda Somaliland.
6- Ciidanka SL waa isku filan yahay, Shacabkeenu yeysan noo welwelin.
7- Dagaalka magaalo waa dhib badan yahay, mar kasta cid baa la tooganayaa ” Ciidankeenu gacan kulul ayuu ku dhufanayaa kuwa duulaanka ah”