Xildhibaano badan oo saxiixay Mooshin xilka loogu kordhinayo Xasam Sheekh
14 Feb 2023 (Puntlandes) Xildhibaano ka badan 60 oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa saxiixay mooshin xilka lagu kororsanayo, kaas oo muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka ka dhigaya muddo shan sano ah.
Arintaan ayaa qayb ka ah qorshaha muddo kororsiga sanadka ee ay horay u sameysteen Dowlad Goboleedyada.
Inkastoo muddo xileedka Baarlamaanka labada Gole iyo Madaxweynaha aanu muddo sanad ah gaarin, haddana waxaa muuqata in loo sii diyaar garoobayo muddo kororsi hor leh.
Xasan Sheekh ayaa hormuud u ahaa siyaasiyiinta diidaneyd mudo kororsi in loo sameeyo madaxweynihii hore Farmaajo, iyadoo muranka mudo kororsigaasi uu isu rogay gacan ka hadal, waxaana lagu dagaalamay magaalada Muqdisho.
Muddo kororsigan halka sano ee la diyaarinayo iyo muddo kororsigii labada sano ee horay loo diiday ayaa ku kala duwan waqtiga lagu soo aadiyay, waxaana la sugayaa sida ay noqoto falcelinta lagala hortago muddo kororsigan aan waqtigiisa la gaarin.