Maraykanka oo baajiyey Dhoolatuskii Millateri oo uu ka samayn lahaa Berbera sababta..
14 Feb 2023 (Puntlandes) Dhoolatus Millateri oo uu Maraykanku ka samayn lahaa 15-ka bishaan Magaalada Berbera ee Somaliland ayaa baaqday kadib markii Maraykanku u wareejiyey Dalka Kenya.
Dhoolatuska ayaa qorshaysnaa inay 25 wadan oo uu hogaaminayo Maraykanku ka qaybgalaan, waxayna shalay oo ahayd 13ka bishaan uu Dhoolatusku ka bilowday dalka Kenya isagoo socon doonaa ilaa 23ka bishaan febraayo.
Dawladda Maraykanka ayaa ku sababaysay wareejinta Dhoolatuska arimo nabadgelyo iyadoo si gaar ah farta ugu fiiqday dagaalka uu maamuka Muuse Biixi ku hayo shacabka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.