Beesha Caalamka oo war cusub ka soo saartay dagaalka Laascaanood, farriin adagna u diray Somaliland

14 Feb 2023 (Puntlandes) Beesha Caalamka warsaxaafaeed ay ka soo saartay dagaalka Laascaanood farriin adagna ugu diray Somaliland, iyadoo sheegtay in maamulkaas uu si degdeg ah u joojiyaa weerarrada ka dhanka ah rayidka.

Hoos ka akhriso:

14 Feb2023

SAAXIIBADA BEESHA CAALAMKA OO SI ADAG U CAMBAAREEYAY RABSHADAHA SII SOCDA EE LAASCAANOOD

Saaxiibada beesha caalamka* ayaa si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan.
 
Sidoo kale, waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah.
 
Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed.
 
Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Midowga Yurub (EU), Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

About The Author