Khasaaraha Qarax ka dhacay Bosaso
14 Feb 2023 (Puntlandes) Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeryootay ilaa 8 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Puntland.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay goob lagu qayilo, oo ay ku sugnaayeen askar kamid ah ciidanka Puntland iyo dad shacab ah.
Ciidamada Amniga Puntland oo gaaray goobta qaraxu ka dhacay ayaa xiray aaga, waxaana ay wadaan baaris ku aadan sida qaruxu u dhacay iyo cida ka dambeysay.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan oo kusoo aadaya xilli uu maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Bosaso, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo saaka u safray Caluula.