Prof. Afrax oo loo magacaabey Gudoomiyaha Gudiga dib u eegista Dastuurka

108

4 jun 2015 (Puntlandes) Golaha Wasiirada DFS ayaa ansixiyey in Prof. Maxamed Daahir Afrax uu noqdo Gudoomiyaha Gudiga dib u eegista Dastuurka, booskan ayaa waxaa baneysay Marwo Caasho Geele Diiriye oo iska casishay Gudoomiyaha Gudiga dib u eegista Dastuurka.

Prof. Afrax ayaa wuxuu Marwo Caasho Geele uga duwan yahay inuu yahay Ruug cadaa aqoonyahan ah lehna waayo aragnimo aad dheer.

Prof. Afrax ayaa wuxuu kasoo jeeda Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug oo ay Caasha Geelena ka soo jeeday.

Puntlandes.com

About The Author