AKHRISO: Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo Mooshin ka keenay Duqa Degmada kadib lunsasho hanti & Maamul xumo

108e

4 jun 2015 (Puntlandes) Xildhibaan katirsan Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Gaalkacyo ayaa Mooshin Kalsooni kala noqosho ah kasoo gudbiyay Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Guuleed, waxaana Mooshinkaas Maanta la hordhigay Fadhigii golaha oo tan iyo 21 May kujiray Fasax.

10 Xildhibanaada ayaa Mooshinka ka keenay Duqa waxayna u Cuskadeen in uu Maamuli waayay hawlihii loo igmaday, waxaana Xildhibaanadu ku eedeeyeen in uu lunsaday hanti Umadeed, sidoo kalena aan waxba lagu ridiin Sanduuqyadii Maaraynta masiibooyinka iyo Hormarinta Degmada.

Mooshinka ayaa waxaa soo gudbin karta 9 Xildhibaan, waxaana Sidoo kale Warqada Xildhibaanadu ay soo saareen la ogaysiiyay Maamulka Gobolka, & Wasaarada Arimaha Gudahada Dawladaha Hoose & hormarinta Reer miyiga Puntland.

Mooshinka horyaala Golaha ayaa laga doodayaa Maalinta Axada ee todobaadka soo socda

108a

108b

108c

 

Puntlandes.com

About The Author