Madaxweyne GAAS ”Shacabka PL .. in ay la socdaan horumarka dalka ka socda
4 Jun 2015 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa qabsoomay Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha wasiirada ee Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas , sidii caadada u ahaydna waxa uu ahaa ”Shibirayahow heesa hees wanaagsan heesa” Maxaa yeelay lagumaba soo qaadin kamana aysan soo bixix wax wax tar u ah Puntland iyo Shacabkeeda.
Waxyaalihii shacabka reer Puntland ka qosliyey oo lagu soo qaatay Warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkaas ayaa waxay ahayd sidatan:
”Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka u sheegay in ay la socdaan horumarka dalka ka socda…”
Maxaa loogala jeeda? ma waxay sheegaan ayey waayeen GAAS iyo xertiisa uu soo urursaday? Ma waxay la tahay wax aan jirin in ay shacabka reer Puntland tusi karaan ama ku mashqqulin karaan? Mee horumarka uu GAAS sheegayo? Oo mee, oo mee!!
Waxaa kaloo ay ku xuseen Warmurtiyeedkaas inay ka hadleen:
Xaaladda Amniga: Sidii caada u ahayd ayey yiraahdeen ”Amnigu waa sugan yahay” sidii in uu Af ku sugmi karo.
Safarkii GAAS ee Karkaar iyo Bari: Madaxweyne GAAS tan iyo markuu xilka la wareegay kama uusan bixinDalxiis iyo Tamashalayn isagoo isticmaalaya CANSHUURTA ummadda Puntland. Wax faaiido ah oo ugaga yimid Puntland iyo shacabkeedana ma jiraan. Warbaahinta Puntlandes ayaa soo bandhigtay in GAAS uu Puntland dibada uga maqnaa 25% ilaa iyo markuu xilka la wareegay taassoo ka dhiagan in uu todobaadkii 2 cisho dibada u maqnaa, Safarkani kaas uun buu la mid ahaa.
Tirokoobkii CAYNTE: Sida caadada u ahayd GAAS iyo Xertiisa uuna sheegay Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxbay ka ogaayeen laakiin shacabka Puntland bay sidii caadadood ahayd Boor isugu qarinayaan
Xeerarka Ururada aan dawliga ahayn iyo Ganaax Goyta dhirta: Waa la ansixiyey Xeerarkan lamana soo bandhigin wax faahfaahin ah.
Waxqabadkii Dawladda GAAS ee 6da bilood ee la soo dhaafay: Waxqabadkee? Ma safarka uu ka bixi la’yahay madaxweyne GAAS ayey Waxqabad u qabaan ileen wax kale ma hayaane.
Puntlandes.com