Mashaariic been ah oo la dhagax dhigo Xukuumadda GAAS. WQ Saliid
4 jnu 2015 (Puntlandes) Baryahan waxaa badatay dhagax dhig mashaariic “hawo ah”, oo qaarkood ahaayeen kuwo hore loo qorsheeyey xiligii dawladii Cabdiraxmaan Faroole. Waxaa ka mid ah Mashruuca wadada Garoowe iyo Gaalkacyo taas oo maalintii lagu wareejinayey xukunka looga dhawaajiyey masharuuca, cidda bixinaysa iyo cidda dhisaysaba. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa daahfuray mashruucaas, March 11th , 2015 issaga oo sidiisii sheegtay in ay ka mid ahayd balanqaadkiisii, Haba sheegtee ilaa maanta wax la dhisay ama qaban qaabo muuqata oo la, wado ma jiraan.
Marka maxaa kalifay in uu inta xaflad qabsado mashruuc 1,2 bilood ka hor issaga oo dhamaystiran loo dhiibey uu daahfuro, iyadoo uusan bilaaban mashruucu?
May 22nd , 2015 wuxuu dhagax dhigay mashruuca Ceeldaahir iyo Ceerigaabo, ilaa maanta wax shaqo ah oo ka bilaabatay, xataa geedqaad 2KM oo kaliy ma ay jirto.
May 28th, 2015 waxaa TV laga wada daawaday in Hal nin oo keligiis ah lagu soo bandigay isagoo la saxiixanaya Dr. Gaas wax loogu yeeray balaarin dekedda Boosaaso. Ninkaani wuxuu sheegtay in uu ka socdo shirkad layiraahdo Divers Marine Contracting L.L.C, sida magaca ka muuqata haduuba shirkad run ah ka socdo, in ay qabtaan amaba sida ku qoran homepage: ka sharikadaan in ay qabato shaqooyinka laga qabto biyaha hoostooda ee aysan ahayn sharikad dhista dekeddaha.
Lama sheegin cidda mal-gelinaysa mashruucaan. Waxaa uun la yiri waxaa la “daahfuray” balaarin, eraygaani waa mid ku cusub saaxada siyaasadda Puntland, oo malaha wuxuu tilmaamayaa in aysan wuxu dhab ahayn, oo inta qol la galo ama meel cidlo ah xarig lagu xirto bulukeetina meel lagu dhajiyo baa la rabaa in saxaafadu baahiso. Tan dakedda ku saabsan fadeexaddeedu meesha daahfurka kuma dhamaane, waxaa lasoo bandigay doon yar oo biyo sayraysa markaas baa la yiri waxay ka mid tahay qalabka dhisaya dekedda. Wax dhisma ah iyo wax qalab sax ah oo bilaabmay ama meesha yimid midna lama arko.
June 3rd , 2015 wuxuu dhagax dhigay dhismaha wasaaradda arimaha gudaha iyadoo duqqa degmadu uu isla goobtii ka yiri hadaydaan dhisan meeshaan la idin siiyey, waa laydinka ceshen oo waxaa la siin dad dhisanaya!
Meshaas waxaa ka muuqata been, jaahwareerin la jaah-wareerinayo ummada reer Puntland oo la isaga dhigayo dad wax qabanaya oo ummadda hawl u haya.
Toloow misse waxaa la rabaa in Baarlamaanku u qaato in uu shaqo culus hayo oo markaa ay baajiyaan mooshinka sugaya markuu barlamaanku furmo? Taasi ma ka gadmaysaa Baarlamaanka ?
Misse tolow waxaa dhab ah sheekadii bilawgii xukunka Dr.Gaas ay qaar ka mid ah, dhalinyarada reer Puntland inta layaabeen ugu bixiyeen magaca “Xaflad Joog” oo markii ay ka dhamaadeen mashaariicdii Cabdiraxmaan Faroole bay kuwii kacaanku ka tegey iyo qaar la qorsheeyey oo ay sugi waayeen inta, ay bilaabmayaan xaflado u qabsadeen?
Si kastaba wax ha ahaadeene wax qabadkooda dhabta ah waxaa weeye tii ceebta, iyo fadeexaddu ka muuqatey ee wasaaradda arimaha Guduhu inta TV u yeeratay ay tiri degmada Buraan baan qalab xafiis ku wereejinaynaa. Markaas baa waxaa meshaa la keenay miis iyo armaajo tuuris ah iyo laba kursi oo caagga bushashku shaaha dadka ku siiyaan. Anigu kolley waa iska bedeley channel:kii inta ceeb darteed daawan kari waayey. Iyana waa soo bandhigeen. Xukuumadaani waa illeen ceeb looma dhinto?!
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com