Dhagayso: Dagaalada Xadka Ethiopia oo ay ka hadlayaan Gudoomiyaha Galgadud Cirfo iyo …

109b

5 jun 2015 (Puntlandes) Barnaamijka Faaqidaadda toddobaadkani oo ka baxa idaacadda VOA ayaa waxa uu ku saabsan yahay dagaalada iyo xiisadaha ka taagan deegaanada ku teedsan xuduudda gobolada dhexe ee Somalia iyo Ethiopia.

Gudoomiyaha Galgaduud Cirfo “Waxaan aad uga xumahay in dad Soomaaliyeed oo Xoolalay ah ay dhibaato intaas le’eg ku dhacaday waxa gaysanayaana ay yihiin dad magac Ciidam iyo Maamul wata”

Wuxuu intaas ku sii daray Gudoomiye Cirfo in uu Gobolka Gudoomiye ka ahaa muddo laba sano ah, labadaas sanona ay Ciidamada Lyu Poliska dad aad u farabadan ku laayeen inta u dhaxaysa Degmada Caabudwaaq ilaa meesha ay hada wax ka dhacayaan, ka maamu ahaana ay markasta u DFS una dacwioonayeen.

Waxaa xusin mudan in uu Gudoomiye Cirfo, wasiirul dawlada DFS ee Arrimaha Dibadda Mahad iyo odoyaal ay maanta u Safreen Caasimadda Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga iyagoo shegay inay arrimo nabadayn ay halkaas u aadeen. Gudoomiye Cirfo oo dagaalka dhanka Tolki la dafan qaybna ka ahaa ayaa Caawa waxa uu marti u yahay DDSI.

Dhagayso Barnaamijka


Puntlandes.com

About The Author