Sawiro: Madaxwaynaha Jubbaland oo Nayroobi kula shiray Safiirada beesha caalamka ee Somalia
5 jun 2015 (Puntlandes) Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe ayaa magalada Nayroobi kula shiray qaar ka mid ah Safiirada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya, iyadoo uu ka mid ahaa Safiirada wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso.
Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa Safiirada uga waramay horumarka ka jira Jubaland, sidoo kale waxa uu ugu baaqay beesha caalamka inay xoojiyaan teegradda Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.
Michele Cervone d’Urso iyo wakiiladdii kale ayaa Jubbaland ku ammaanay sida wanaagsan ee kartida leh oo ay ugu guulaysteen dhamaystirka Baarlamaanka Jubbaland, waxaase jira beelo ka cabanaya habka loosoo xulay xildhibaanadda Baarlamaanka ee mamulka.