Magacaabidda Prof. Maxamed Daahir Afrax ee guddiga dib u eegidda dastuurka
5 jun 2015 (PES) Waxaa golaha xukuumadda Xamar magacaabeen Prof. Maxamed Daahir Afrax oo sida la sheegay bedelaya morwo Caasha Geele. Professor:ku wuxuu todobaadyadii lasoo dhaafay joogey Puntland. Waxaa cad in uu soo jeedinta lahaa Dr.Gaas. sidii markii horeyba uu u soojeediyey marwo Caasha Geele.
Hadaba waxaan rabnaa in aan falanqayno, waxa ay ka bedelayso siyaasadii qaloocnayd ee Xamar ka socotey iyo waxa ay Puntland uga digan tahay magacaabida Professor:ka.
Dad badan oo reer Puntland ah waxay aad u soo dhaweeyeen magacaabidda Professor:ka, iyagoo sida caadada u ah marka meel loo magacaabo qof bulshada dhexdeeda ixtiraam ku leh in inta badan loo riyaaqo.
Inta badan waxaan la is waydiin su,aalo badan oo ku xeeran jagadda loo dhiibay qofkaas ixtiraamka leh waxaana la eega oo kaliya tuhunka karti iyo aqooneed ee qofka. Halkii ay ahayd in qiimayn lagu sameeyo haqada laftirkeeda iyo saamaynta lagu yeelan karo.
Process:ka Xamar ka socda.
Hadaynu falanqayno shaqada Professor:ka loo dhiibey. Xamar waxa hadda ka socdo oo dhan waxaa wata koox yar (Damul jadid) oo aan ogolayn in ay cid kale oo soomaaliyeed ay talo weydiiyaan. Hawsha ka socotana haddaan lays yeelyeelayn ma aha mid ummadda soomaaliyeed leedahay. Waxaa ka jira musuqmaasuq kan aduunka ugu balaaran (waxaana lagu cadeeyey, baaritaano, ay sameeyeen ururo caalamiya).
Su,aalaha in la isweydiiyo ay tahay waxaa ka mid ah.
Tastuurka dib loo eegayaa waa kee? Ma kii 6da saxiixe lahaa baa misse waa kan ay inta sarrifteen dawldda Xamar joogtaa hadan diideen in ay heshiiskii dib ugu soo noqdaan?
Puntland iyo dawladda Xamar ma heshiisbaa? Haday yihiin maxay xukuumadda Puntland u diideen, gudiyadii xuduudda iyo doorashada ee Xamar looga dhawaaqay?
Maxay dawladda xamar inta uga noqoto u raadin weydey sidii loo heli lahaa mid heshiis lagu yahay?
Xukuumadda Puntland maxay ka qabtaa badelaadii dastuurka?
Maxay xukuumadda Puntland u diidey tirakoobkii dawldda Xamar soo saartay?
Haddii intaasba aan sida cad dheg jalaq loo siin maxay dawladda Puntland samayn? hadii intaas oo nami dhab tahay, wada shaqayn ma imaan kadhaa?
Sheekada meesha taal ma waxaa weeye bakhtiga ma cunnee fuudkiisaan cabnaa?
Waxaa muuqata in Professor:ka magaaciibidiisu aysan wax weyn soo kordhineyn oo aqoonta iyo kartida aynu ku tuhmayno, waxaa ka horreeya in process:ka socda lawada leeyahay. Iyo in hadii wax khaldameen illen dadku waa binu aadame in la helo garqaadasho iyo rabitaan in wax la soxo. Laakiin inta meesha ay ka socoto loo joojin maayo puntland iyo shacabkeedu wax shaqo ah kuma laha waxa Xamar ka socda. Ama Professor: ha loo diro ama awliyo ha loo diree.
Maxay tahay ulajeedka Cabdiweli Gaas iyo xukuumadiisu?
Mar hadii intii yarayd ee ay diideen aamusnaan iyo in hawshii halkeedii laga sii wato loogu jawaabey oo ay u ekaadeen sidii wax waalan oo iska qaylinaya. Oo diidmadoodu aysan wax kasooqaad lahayn, waxaa isweydiin mudan maxay tahay waxa kale oo ay u jeedaan?
Ninbaa waxaa hore looga sheegay in uu yiri, hashu maankayga gaddaye ma masaar bay liqday?.
Qofna hayin wax walba iska qaata, ma ah ee waxaa meesha ka muuqda, musuq maasuq, lalaaluush iyo dano shakhsi. Taas oo ka socota madaxda sarsare ee Puntland. Iyadoo laga laaluushayo dhinaca Xamar.
Waxaa tusaale inoogu filan sida ay u shaqeeyaan xildhibaanada Baarlamaanka Xamar. Kuwaas oo markay xoogaa lacaga rabaan mooshin keena.
Wax badan bay issaga egyihiin Puntland iyo iyagu. Taas oo ah in ay inta wax ka qayliyaan ama mooshin lakeeno hadana la arko iyadoo aan wax laga qabtay iyo xataa jawaab laga bixiyey aysan jirin lawada socdo. Marka waxa meesha ka muuqda waa jugaysi xoogaa lacag ah (boqshad madow!!). intaas markii la helana illen qayladu daacad ma ahayne hore looga gudbo.
Markaan u soo noqdo tan Professor:ka waxaan kula talin lahaa in uusan ku milmin waxa xilka leh ee meesha ka socda.
Waxa Xamar ka socdo waa process ay koox gaar ah wadato oo aan cidina saamayn ku yeelan karine is ka daa oo ha qaadan cad quureed.
Waxaana ka horeeya in dastuur dib loo eego in meesha laga ambaqaadayo heshiis lagu yahay. Kan ay haystaan ma aha mid ummadeed xukuumdda Gaasna laaluush baa la issaga aamusiyaa.
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com