Dowladda Puntland oo soo gabgabysay wajiga 1-aad ee tiro koobka shaqaalaha dowladda
6 jun 2015 (Puntlandes) Dowladda Puntland ayaa maanta soo gababaysay wajiga koowaad ee diiwaan galinta shaqaalaha dowladda iyo furitaanka wajiga laabad.
Munaasada soo xiritaanka wajiga 1aad iyo furitaanka wajiga 2aad ayaa waxaa ka soo qaybgalaya Madaxweynaha Puntland, wasiiro, Xildhibaano iyo marti sharaf kale. Tirokoobka Shaqaalaha dawladda ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ka socday gudaha Puntland, iyadoo shaqaale kasta loo sameynayay Kaar aqoonsi.
Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Cali GAAS ayaa sheegay Puntland inay u baahan tahay shaqaale tayo leh oo kooban, wuxuuna yiri,” ”hadii aadan haysan qofkii saxa ahaa oo shaqada u qaban lahaa sida saxda ah, dabcan shaqadu waa dayacmaysaa”
Guddiga diiwaangelinta Shaqaalaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in tirada Shaqaalaha loo soo gudbiyey ay tahay 2,692 qof, hase ahaatee tirada Shaqaalaha ilaa hadda la diiwaangeliyey oo Kaararka loo sameeyey ay tahay 2,253.
Waaaraddaha Caafimaadka iyo Waxbarashada ayuu guddigu sheegay inaan weli lagu samayn tirokoobka shaqaalaha. Labadan Wasaaradood ayaa ah Wasaaradaha ugu shaqaalaha badan dowladda Puntland.